top of page

Marwo/Mudane

 

Soo Dhawoow

 

Magacaygu waa Hamda Hussein ,waxaan ahay la taliso iyo tababare-nololeed oo baratay aqoonta kasmo-nafeedka (Psychology) iyo Shariicada (Islaamka) tan micnaheedu waxa weeyaan talo bixintaydu waxay ku qotontaa aqoonta nafta iyo tixgalinta tiirka diineed ee qofka aan la talinayo laf dhabarta u ah. Marka aad talo ama tababar iga soo dalbato waxaan kuu fiidinayaa gogol nabadeed oo aad nabdigaaga si nafis ah ugaga hadli kartid, ku dareemi kartid xasillooni iyo inaad xaalkaaga qof aamin ah la wadaagtay oo aanay xogtaadu baylaheen. Ła talentu waxay i bartay inaan ku baraarugo kala duwanaanshiyaha dabeecadeed, kuwa dhaqan iyo kuwa da’eed ee dadka aan la talinayaa leeyihiin, tixgalinta kala duwnaanshiyahani wuxuu ii suurta geliyaa inaan qof walba talo iyo tababar ku habboon oo hankiisa u hiiliya ugu hagar baxa oo ka haqab tiro. 

 

Waxkasta oo maankaaga gubaya ama aad u maaro wayday oo muran kugu abuuray waxaan kuula falkinayaa si fudud oo fahan dheeri ahi ku duuganyahay. 

 

In la kufaa waa sunnaha nolosha inse la kici waayo ayaa kadeed nafeed dhalisa, kicid la’aanta aad kici waydo kadib marka ay kurbo kugu habsato waxay keentaa in kashaadu baqdin iyo baahsanaan ba'an dareento.

 

ku baraarugga aad ku baraarugtay inaad u baahantahay talo iyo jihayn oo aad u qalanto meesha aad taagantahay meel ka wanaagsan ayaa ah tallaabo guul ah oo aad qaadday. 

 

Waxaad joogtaa kobtii saxda ahayd , waxaad taagantahay albaabka talo helid adiga uun kuu adeegsaysa(holistic) xilliga aan talada ku siinayo ama tabobarka kugu kaabayo adiga ayaa jihaynaya noloshaada , u kuur galaya dareemadaada, qeexaya qorshahaaga nololeed iyo qiimiga aad rabto tallaabadaada labaad inay yeelato. 

                                                          Aynu wada shaqayno!

Hamda Hussein

4th Favourite_edited.png

"In la kufaa waa sunnaha nolosha inse la kici waayo ayaa kadeed nafeed dhalisa".

My Mission/Ujeedkayga

Ujeedkaygu waa inaan tabantaabiyo oo taakulo maskaxeed ku garab istaago cid kasta oo talo iyo tababar-nololeed u baahan, xilliga aan kula shaqaynayo waxaan tixgelinayaa ruuxdaada, ra’yigaaga,riyadaada-nololeed iyo raadka wanaagsan ee aad rabtid inaad dhigtid.

 

Waxaynu si wada jir ah u falkinaynaa tagtadaadii oo xikmad iyo casharro kala hadhaynaa, waxaynu qiimaynaynaa taagantaada oo tamar gelinaynaa sidii aynu u horumarin lahayn isla markaana waxaynu tiigsanaynaa timaaddo aad ku faani kartid. 

Waa laga yaabaa in badan inaad doontay talo iyo tababar cilmiyaysan , waxa dhici karta inaad dareentay dadyowga kaa afka,dhaqanka, diinta iyo hab-nololeedka duwani inaanay baahiyahaaga qofeed fahmayn,haddaba waxaad heshay talo bixiso kula dareen ah, kula adduunyo arag ah  oo tallaabooyin guushaada horseeda kula tusmayn karta. 

bottom of page